​Madaxweyne Gaas oo arrinta Shabaab kala hadlay Ethiopia

Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay kulamo uu la yeeshay saraakiisha sar-sare ee ammaanka dalka Ethopia xilli uu Addis Ababa maalin ka hor soo gaaray, wuxuuna sheegay inay kawada xaajoodeen arrinta kooxda Al-Shabaab.

Cabdiwali Maxamed Cali oo la hadlayay laanta Afka Somaliga, ayaa tilmaamay in kooxdan dhibaato ku haysto gobolka oo dhanta sidaasi darteed muhiim tahay in la iska kaashado xaaladaha soo kordha, wuxuuna tilmaamay yihiin kooxo xog badan laga hayn istaraatiijiyadooda ciidan.

Gaas ayaa sababta Puntland u yimaadeen u aaneeyay dhowr arrimood oo kala ah; inay isbideen xoog kadib markii ay guulo ka gaareen dhawr howl gal oo ay ka sameeyeen Koonfurta Somalia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ciidamada Mallayshiyaadkaasi kusoo galeen deegaanada Puntland, wuxuuna tilmaamay inay la socdeen dhaq-dhaqaaqa kooxda islamarkaana kuwargaliyeen waqti kasta ciidamada NATO oo shaqadooda dhawaan lagu dhaleeceeyay warsaxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirrada Puntland.

Hadalkan Gaas ayaa yimi xilli uu soo gaba-gabeeyay safar uu ku joogay dalka Maraykanka kadib markii xaalad cusub kasoo korortay deegaanada Puntland, waxaana hadda uu jooga dalka Ethiopia isagoo la filayo inuu dhawaan soo gaaro deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM