Madaxweyne Gaas oo berri ka dagaya magaalo madaxda Puntland

Image

Nov 4,2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland oo maalmihii la soo dhaafey ku suganaa wadanka Imaraadka Carabta ayaa maalinta berri ah ka dago magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Waftiga madaxweynaha ayaa la filayaa in berri kasoo ambabaxi doono magaalo madaxda wadanka isu-taga Imaraadka Carabta ee Abu Dhabi halkaas oo uu kulamo kula yeeshey saraakiil ka tirsan wadankaas.

Imaanshaha madaxweynaha Puntland ee magaalada Garowe ayaa la rumeysan yahay iney dabada ka riixeyso doorashada gudoomiyaha Barlamanka oo la filayo iney dhacdo maalinta Sabtida dhacdo.

Madaxweynaha Gaas oo labadii bilood ee ugu dambeysay fadhigiisu ahaa magaalada Galkacayo xarunta gobolka Mudug ayaa muddo 12 asbuuc ah fariisin golihiisa xukuumada halka xildhibaanada Barlamanka xil ka qaadis ku sameeyeen gudoomiyaha Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM