Madaxweyne Gaas oo booqasho ku tagaya wadamo ka tirsan Africa

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagey dalka China ayaa wararka GO uu helayo sheegayaan inuu  ku wajahan yahay maalmaha soo socda wadamo ka tirsan Qaarada Africa.

Madaxweyne Gaas oo imaanaya magaalada Addis Ababa maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu halkaas uga sii gudbo wadanka Kenya magaaldiisa Nairobi.

Warar warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas booqasho ku tagi doono dalka Zambia halka warar kale xusayaan inuu halkaas uga sii gudbi doono wadan kale oo ka tirsan qaarada Africa.

Ma jiraan warar ku aadan sababta Madaxweyne Gaas u tagayo wadanka Zambia halkaasoo ku nool yihiin dad Somali ah oo u badan ganacsato.

Safarka Madaxweyne Gaas uu ku marayo wadamadaan kala duwan ayaa ku soo aadaya xilli Puntland ka jiraan abaaro ba'an halka dhinaca kale la filayo in dhowaan  ciidamada amniga dagaal ku qaadaan kooxaha tageera ururka Daacish kuwasoo gacanta ku haya magaalada Qabdala.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM