​Madaxweyne Gaas oo booqday saldhigga dhexe Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa caawa sameeyay kormeer uu ku maray qaybaha kala duwan ee caasumadda Puntland Garow, wuxuuna tagay saldhigga dhexe isago soo indha indheeyay qaabka shaqadu u socotay, isagoo la kulmay waaxyaha kala duwan ee gobtaasi ku sugnaa.

Gaas ayaa la kulmay saraakiisha amniga iyo dadweyne ku sugnaa saldhigga gaar aahaa qaybta Oobiga haalkaasi oo lagu qoro cabashada dadweynaha, wuxuuna ka waraystay xaaladooda iyo qaabka shaqadu usocoto.

Madaxweynaha oo wehilnaysay marwadiisa Hodon Siciid Ciise, ayaa sidoo kale booqday hoyga caasumadda Puntland ka taganyahay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ugu dambeyn soo indha indheeyay guud ahaan magalada isagoo aysan la socon ciidamo gaashaman iyo gawaaridii horay looga bartay, wuxuuna soo maray dhammaan jidadka Garowe.

Booqadan ayaa ka marakacaysa amniga buuxa ee Garowe, waxaana asbuucii hore madaxweynaha oo wehelinayay Ra’isal wasaare Sharmake ku caweeyeen meheradu ku yaalla magaalo madaxda Puntland, taaso ujeedkeedu ahaa in dadweynaha la tuso amniga Puntland ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM