Madaxweynaha PL iyo wafdi uu horkacayo oo Bosaso soo gaarey

Image
Image
Image
Image
Image

November 27, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kasoo kicitimay degmada Qardho ayaa maanta soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Bosaso, isimmo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortegey meel magaalada 5km koonfurta kaga beegan.

Wafdiga ayaa intaas kadib loosii gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo Cabdiweli Gaas si kooban warfidiyeenka ugula hadlay isagoo ka mahadceliyey qaabka wanaagsan ee loosoo dhoweeyey sheegayna in mudo dhowr beri ah uu Bosaso sii joogi doono lana kulmi doono qaybaha kala duwan ee bushada.

Warar madax bannaan oo GO heshay ayaa tibaaxaya in muddada Madaxweynuhu Bosaso ku sugan yahay kormeeri doono xarumaha dowladda gaar ahaan garoonka diyaaradaha Bender Qaasim oo dhowaan dhismihiisa la bilaabayo.

Dhanka kale ammaanka magaalada Bosaso ayaa maanta si weyn loo adkeeyey iyadoo waqti kooban la xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah lana xakameeyey isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Faah faahin dheeri ah iyo  sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM