Madaxweyne Gaas oo Bosaso yimid Labo bari kadibna safraya

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaso xarunta gobolka  Bari kadib safarro kala duwan oo ugu maqnaa Muqdishu iyo dalka Imaaraadka. 

Waxaa lasocday xubno isugu jira, Xildhibaano iyo Wasiirro katirsan dowladda Puntland, iyadoo ay soo dhaweyn garoonka diyaaraha Bosaso ugu sameeyeen maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaso.

Soo dhaweyn kadib, waxa uu ka hadlay safarkiisa isagoo sheegay inay ka qayb galeen caleemo-saarka Madaxwenaha Somalia isagoo xusay inay ku faraxsanyihiin mira-dhalka dadaalka ay ku bixiyeen geedi socodka siyaasadda Somalia. 

Wuxuu side kale Gaas mar kale hambalyo u diray Ra'isal wasaaraha cusub ee Somalia, Xasan Cali Khayre, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan islamarkaana la shaqayn doonaan.

” Waxaan kasoo qayb galnay munaasabaddii caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen madax kala duwan, farxad ayayna noo tahay inaan qayb ka ahaano geeddi socodka Soomaaliya oo meel wanaagsan marayay, waxaan hambalyo mar kale u dirayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magcaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo, waan ku faraxsanay sidoo kale in waddankii oo nabad ah aan kusoo laabano,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhanka kale, wararka uu helayo Warsidaha GO, waxay sheegayaan in Madaxweynuhu safri doono Labo Bari kadib isagoo aadaya dhinacaas iyo dalka Imaaraadka Carabta. 

Lama oga socdaalkaas iyo waxa uu la xiriiro, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli uusan ka hadlin safarkiisa hore iyo waxa uu ku saabsanaa.

Gaas ayaa safarkan galaya xilli dalka abaaro iyo amni darro ka jirto gobolka Bari. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM