Madaxweyne Gaas oo codsadey in Xildhibaano lagu kordhiyo Barlamanka Puntland

Image

GAROWE- Warar lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegey in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas qoraal codsi ah uu u soo direy gudoomiyaha Barlamanka Puntland ku waydiistey in kororsiimo lagu sameeyo tirada xildhibanada golaha shacabka Puntland.

Qoraalkaan ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in madaxweyne Gaas ku codsanayo in tirada Barlamanka Puntland la kordhiyo iyadoo diirada ka saarayo qabaa'ilo gaari ah. 

Codsiga Madaxweynaha Puntland ayaa yimid maalin kadib markii magalaada Galkacayo uu kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federalka Somalia kuwasoo wayadaan dambe olole ugu jirey sidii loo kordhin lahaa golaha shacabka Puntland.

Waydiisashada Madaxweyne Gaas ee lagu kordhinayo tirada Barlamanka ayaa noqoneysa middii ugu horeysay ee uu sameeyo mas'uulka uga sareeyo Puntland tan iyo intii dhidibada loo taagey maamulkaan sanadkii 1998.

Dhinaca kale dalabka Madaxweyne Gaas ayaa yimid xilli waqtiga Doorashada Puntland ka dhiman tahay muddo ka yar Labo sano.

Gudoonka Barlamanka Puntland ayaan weli ka hadlin codsiga Madaxweyne Gaas iyadoo wararku xusayaan in guux iyo is-wareysi ka dhex abuurtey xidhibaanada Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM