​Madaxweyne Gaas oo cusbitalka ku booqday wasiirka Amiga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JABUTI- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga la socda ee ka qayb galay caleema saarka madaxweyna Jamhuuriyadda Jabuti, ayaa booqasho ugu tagay wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi, kaasi oo xaalad caafimaad u jiifay mid kamid cusbitaallada ku yaalla magalada Jabuti.

Gaas ayaa booqashadiisu salka ku haysay inuu soo eego xaaladda caafimaad ee wasiirkiisa Amniga kaasi oo lagu dhaawacay gacan ka hadal saraakiil oo ka dhacday magalada Bosaso.

Agaasimaha xarunta caafimaad ee wasiirka amniga la dhigay, ayaa madaxweyne Gaas u sheegay in xaalada Cabdi Xirsi wanagsantahay islamarkaana maalmo kooban goobta kusii jiri doono.

Wasiirka Amniga oo arrintiisa madaxweyne Gaas uga waramay, ayaa xusay inuu dareemayo caafimaad wanaagsan islamarkaana xarunta caafimaad aad loogu dabiibay soo dhaweyn heerkeedu sarraysana loo sameeyay.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa wasiirka Alle uga barayay inuu u booga dhayo, wuxuuna u sheegay inay ka warhaynayaan wasiirka inta goobtaasi caafimaad ku jiro.

Dhawr maalin kahor ayaa wasiirka Amniga Puntland lagu dhaawacay magalada Bosaso xilli uu booqday xerada ciidamada Birmadku ku leeyihiin xarunta gobolka Bari.

Majirto wax tallaabo rasmi ah oo laga qaaday saraakiishii sababta u noqday in wasiirka lagu dhaawaco gacan ka hadal dhexmaray taliyaha ciidamada Boliiska Puntland iyo taliyaha ciidamada Birmadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM