Madaxweynaha Puntland oo dhaliiley shirka Cadaado [DHEGEYSO]

Image

July 1, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul u dhaleeceeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirka Cadaado iyo Guddoomiyaha Baarlammaaka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gaas oo  khudbad muddo labaatan daqiiqo ah qaadatey ka jeediyey xafladdii lagu xusayey munaasabadda Kowda Luulyo ee xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Garowe, wuxuu sheegay  in maamulka Cadaado lagu dhisayo ee Dowladda Federaalku dabada ka riixeyso yahay mid gacan-ku-rimis ah ujeedadiisuna tahay in Puntland lagu dhibaateeyo, si loo carqaladeeyo amniga iyo horumarka ay gaartey, waa sida Madaxweynuhu hadalka u dhigaye.

"shirka Cadaado ka socda uma eka mid loogu talo galay in maamul federaal ah lagu dhiso ee waa shirqool Xamar laga soo maleegey oo loogu talo galay in lagu carqaladeeyo maamul nabad ah oo jira"

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland leedahay cadow badan oo isugu jira mid gudaha ah iyo mid dibadda ah, balse taas beddelkeeda ay haysato bulsho mideysan iyo ciidan xooggan oo awood u leh inay difaacaan xuduudaheeda, islamarkaana gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo halis ku ah jiritaanka Puntland.

Mar uu ka jawaabayey hadalkii dhowaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee ahaa in Dowladda Federaalku aqoonsaneyn qaabkii lagu soo dhisay Puntland,  wuxuu Mudane Gaas sheegay in Puntland aqoonsi uga baahneyn Dowladda Federaalka maadaama ay jirtey federaalka kahor ayna tahay hooyada federaalka.

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in Puntland ka tashan doonto aayaheeda haddii la tix gelin waayo midnimada, maadaama aysan  jirin sabab Puntland keligeed ku kallifeysa inay baadi goobto Soomaalinimo aan laga rabin Xamar iyo Cadaado, waa sida Madaxweynuhu hadalka u dhigaye.

"wax mas'uuliyad ah oo gaar ah oo Putland ka saarani ma jirto Soomaalinimo aan Xamar iyo Cadaado midna laga rabin...Soomaalinimo haddii ay nacfi lahayd iyo dhaqaale Xamar baa qaadatay" ayuu yiri.

Munaasabadda Kowda Luulyo ayaa si weyn xalay looga xusay magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM