Madaxweyne Gaas oo Ethiopia ku wajahan

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la qorshaynayaa inuu barri 15 April, 2016, u amba-baxaan magalada Addis Ababa xarunta dalka Ethiopia.

Safarka Gaas ayaa la xiriira ka qayb galka shir looga hadlayo ganacsiga iyo dhaqalaha Afrika, waana shir sanadle ah oo la filayo inay kasoo qayb galaan madaxda qaaradda qaybtood.

Madaxweynaha waxaa socdaalka ku wehelinaya wasiirka ganacsiga Puntland iyo xubno kale, waxaana la filayaa inuu qaato saddex bari sida ay sheegayaa wararka uu warsidaha Garowe Online ka helayo madaxtooyada Puntland.

Sannadkii hore ayay ahayd markii Madaxweyne Gaas shirkan oo kale ka qayb galay isagoo ka jeediyay khudbad uu uga hadlay dhaqaalaha iyo hormarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo la qaato madaxda dalkaasi si ay uga wada hadlaan arrimaha Somalia iyo hishiiskii dhawaan ka dhacay magalada Muqdishu, kaasi oo beesha caalamku ka maqnayd.

Gaas ayaa safarkan aadaya xilli uu kasoo laabtay dalkaasi bishii hore ee March xilligaas oo la kulmay mas'uuliyiinta Ethiopia qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM