Madaxweyne Gaas oo furey dhismaha cusub ee Wasaarada Haweenka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE,Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo ay yeelanayso wasaaradda haweenka iyo arrimha qoyska taasoo laga dhisay degaanka ay caasimada Garowe kaga yalaan inta badan xarumha dowladdu.

Munaasbadan waxaa ka qayb galay madaxda wasaaradda haweenka, wasiiro kele iyo madax ka socota haya,daha wada shaqaynta la leh wasaaraddan.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo gadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ugu horayn madashan ka hadlay ayaa ka dheraaday marxalladihii uu soo maray dhismaha  maanta la fursay isagoo xusay inuu soo bilaamay sannadkii 2010 wax weyn ayuu tilmaamay inu ku soo kordhinayo shaqada wasarada haweenka Puntland.

Wasiirka wasaaradda haweenka Puntland Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay in dhismahan uu leeyahay qaybo kala duwan kuwasoo ay ka xustay qayb lagu hayo Carruurta, hoolal shirar waxaana dhismahani u u ka kooban yahay 22 xafiis.

"Waxaan u mahad celinyaa Madaxweynaha Cabdiweli , wasiirka wasaaradda hawlaha guud hay'adda UN Habitat UNDP oo bixisay lacagtii lagu dhisey dhismaha wasaaradda haweenka iyo qoyska " ayay tiri Aniisa Cabdulqaadir oo mahad celinaysay haya"adaha iyo madaxda dowladda gacan ka gaystay dhismaha wasaaraddan.

Madweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu furo dhismahan ay ku shaqayn doonto wasaaradda haweenka Puntland wuxuuna amaanay qaabka loo naqshadeeyey dhismahan.

"Runtii wixii halkan ka muuqda waxa weeye wax walbaaba haddii si wanaagsan oo daacadnimo ku jirto oo ka hufan musuq maasuq in wax qurux badan soo baxayaan dhismyaal badan oo dawladeed ayaan furaynay intan joognay lakiin dhismahan aan maanta furayno ma jiro mid la mid ah". ayu yiri Gaas oo sheegay in haweenku ay ka dheeryihiin musuqmaasuqa.

Madax ka socotay hay'adaha dhismahan gacanta ka gaysatay oo hadlay ayaa dareen farxadeed ku soo dhaweeyey furitaanka xarunta wasaaradda haweenka iyagoo sheegay inay sii wadayaan tageerda wasaaraddan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM