Madaxweyne Gaas oo furey shirka wadatashiga [Dhageyso]

Image

25 August, 2015 (GO)- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug saaka waxaa ka furmay shirka wadatashiga  Puntland kaas oo socon doona muddo 5 bari ah.

Dhageyso khudbada madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed "Gaas" oo furay shirkaasi ayaa ku dheeraaday muhiimada shirkaasi iyo sababta loo qabtay.

"Mudanayaal iyo Marwooyin, aad ayaan ugu faraxsanahaya inaan idin kala soo qayb gallo shirka wadastashi Puntland oo maanta furmo, waxaan doonayaa inaan iftiimiyo qodabo aan is leeyay waa ugu muhiim san yahay Shirka maanata.

1.    Maxaa idiin hirgalay 
2.    Maxaase idiin hirgali waayay
3.    Iyo Sababta uu san u hirgalin 


Madawayne Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa ku dheeraaday ka hadalka Xaalada Soomaaliya iyo heerarka kalla duwan ee soo martey  marka laga soo bilaabo 1960-dii xilligaas oo dalkeena xornimada qaatey.

Garoweonline ayaa shacabka Soomaaliyeed u balan qaadaysa inay si Toos ah (Live) ula socod siin doonta shirka wada tashiga Puntland 5-ta maalin uu socdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM