Madaxweyne Gaas oo furey xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland

Image
Image
Image
Image

March 12, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad ka dhacday Garowe  oo lagu daah furayey Xafiiska Madaxa Banaan ee Difaacaha Xquuqda Aadanaha Puntland.

Munaasibadaan ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb galay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholos Kay, wasiirro ka tirsan xukuumadda Puntland, waxgarad, haween, dhalinyaro, ardey iyo madax ka socotay hay'adaha ka hawlgala Puntland.

Madaxweyne Gaas oo khdubad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in xafiiskani yahay xafiis muhiim ah kana shaqaynaya ilaalinta xuquuqda aadanaha muwaadiniinta Puntland iyo cidkasta oo Puntland ku nool.

"xafiiskaan muhiimaddiisa waxaa kor uqaadaya xaalada Soomaaliya ku sugan tahay maanta,  wakhti dheer oo dawlad la'aan ah oo dhib badan Soomaaliya ka dhacday oo tacadiyo badan ay Soomaaliya ka dhaceen, xaaladaasina weli si dhab ah Soomaalidu ugama gudbin" ayuu yiri.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskani yahay xafiiskii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga sameeyey, tallaabadan oo sida uu tilmaamey sharaf u ah Puntland.

Guddoomiyaha xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa xusay in xafiiskani u taagan yahay inuu dhowro xuquuqul aadanaha Puntland, isagoo intaas raaciyey in hadafkaas lagu gaari karo shacabka Puntland oo muujiya dareen xambaarsan muwaadinimo, dulmi diid; tixgeliyana xuquuqda dadka kale iyagoo joojinaya faquuqa, takoorka iyo dulmiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM