Madaxweyne Gaas oo ka codasdey Issimada Puntland iney shir isugu yimadaan [AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal ku taariikheysan 20 July,2017 ayaa Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas waxaa issimada Puntland kaga codsanayaa iney soo ajiibaan kulan beesha Tanade Darood loogu qabanayo magaalo madaxda  Garowe 25/07/2017.

Qoraal Madaxweynaha Puntland ku saxiixan yahay oo Nuqul kamid ah warsidaha GO soo gaarey ayaa Mudane Gaas waxaa uu ku leeyahay markaan arkey qoraal issimada ii soo gudbiyeen 04/07/2017 Waxaan codsanayaa in dhamaan odey dhaqameedka Puntland si balaaran u soo ajiibaan kulanka ay ku baaqeen beesha Tanade iyo Issimada qaarkood kasoo magalaada Garowe ku yeesheen 16/07/2017.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo horey ugu soo gudbiyey Barlamanka codsi  ah in kuraasta aqalka wakiilada kororsiimo loogu sameeyo beesha Tanade ayaa fashilmey kadib markii mudanayasha golaha shacabka diideen kuwasoo sheegey in qodoba Dasturka Puntland ka hor-imaaneyso talaabdaan.

Lama oga kulankaan uu Madaxweynaha Puntland ku codsadey in Issimada isugu yimadaan maalinta berri ah ka furmayo magalaada Garowe iyadoo warar qaarkood sheegayaan in odey dhaqameedka qaarkood ka cududaarteen.

Kulankaan Madaxweynaha Puntland codsadey ayaa imaanaya xilli golaha baralamanka kalsoonadii kala noqdeen xukuumada Gaas dhamaanteed kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley.

Hoos ka akhri qoraalka codsiga Madaxweynaha Puntland.

Xuquuqda qoraalkaan waxaa iska leh GO hadaad dib u isticmaaleyso xogtaan xus warsidahaan adigoo kala soo xiriiraya contact@garoweonline.com

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM