Madaxweyne Gaas oo ka safraya Imaaraadka

Image
Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku wajahan magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kahor caleemo saarka Madaxweynaha Somalia ee la qorshaynayo inay qabsoonto 22 bishan.

Wararka Warsidaha Garowe helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas ka qayb galayo Xafladda Caleemo-saarka Farmaajo.

Mudane Gaas ayaa xafladdaas tagaya xilli uu kamid ah madaxdii maamul goboleedyada ee olalaha ballaaran ugu jiray sdii uu xilka mar labaad u qaban lahaa mudane Xasan Shekh Maxamuud kaasoo ay wateen qaar kamid ah waddamada dariska la ah Somalia.

Lama oga waxa iska badalay siyaasadda Gaas ee ku aadana qorshihiisii hore, balse guushii Farmaajo kadib ayuu kusoo laabtay magaalada Bosaso xilligaas oo ka qayb galay aaskii Marxuum Cadde Muuse.

Maalin kadib ayuu safar aan la shaacin ku aaday Imaaraadka isagoo aan la ogayn qorshah socdaalkiisa.

Dhinaca kale waxaa maanta Muqdishu tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka qayb galaya Caleemo-saarka Farmaajo.

Qaban-qaabada Caleemo-saarka ayaa kasocota caasumadda Somalia, waxaana lagu casuumay madax kala duwan oo ay ku jiraan kuwa dalalka dariska la ah Somalia inkastoo aan si rasmi ah lo shaacin cidda imaan doonta munaasabaddaas.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guul aan la filanayn ka gaaray doorashadii dhacday 08 February 2017 isagoo codad badan ka guulaystay wareegga Labaad Xasan Sheekh oo dadaal badan isaga iyo kooxdiisa siyaasadeed u galay siduu usoo laaban lahaa mar kale.

Mudane Farmaajo ayaa haysta taageerada shacabka, waxaana wali socda dabaal dagyo lagu soo dhaweynayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM