Madaxweyne Gaas oo ka safraya Imaaraadka

Image
Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku wajahan magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kahor caleemo saarka Madaxweynaha Somalia ee la qorshaynayo inay qabsoonto 22 bishan.

Wararka Warsidaha Garowe helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas ka qayb galayo Xafladda Caleemo-saarka Farmaajo.

Mudane Gaas ayaa xafladdaas tagaya xilli uu kamid ah madaxdii maamul goboleedyada ee olalaha ballaaran ugu jiray sdii uu xilka mar labaad u qaban lahaa mudane Xasan Shekh Maxamuud kaasoo ay wateen qaar kamid ah waddamada dariska la ah Somalia.

Lama oga waxa iska badalay siyaasadda Gaas ee ku aadana qorshihiisii hore, balse guushii Farmaajo kadib ayuu kusoo laabtay magaalada Bosaso xilligaas oo ka qayb galay aaskii Marxuum Cadde Muuse.

Maalin kadib ayuu safar aan la shaacin ku aaday Imaaraadka isagoo aan la ogayn qorshah socdaalkiisa.

Dhinaca kale waxaa maanta Muqdishu tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka qayb galaya Caleemo-saarka Farmaajo.

Qaban-qaabada Caleemo-saarka ayaa kasocota caasumadda Somalia, waxaana lagu casuumay madax kala duwan oo ay ku jiraan kuwa dalalka dariska la ah Somalia inkastoo aan si rasmi ah lo shaacin cidda imaan doonta munaasabaddaas.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guul aan la filanayn ka gaaray doorashadii dhacday 08 February 2017 isagoo codad badan ka guulaystay wareegga Labaad Xasan Sheekh oo dadaal badan isaga iyo kooxdiisa siyaasadeed u galay siduu usoo laaban lahaa mar kale.

Mudane Farmaajo ayaa haysta taageerada shacabka, waxaana wali socda dabaal dagyo lagu soo dhaweynayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM