Madaxweyne Gaas oo kulan qarsoodi ah ku qaadanaya Addis Ababa

Image

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha Garowe online soo gaaraya ayaa sheegaya in kulan aan horey loo shaacin magaalada Addis Ababa ku dhexmarayo Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmad iyo Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Ra'isal Wasaraha Somalia ayaa xaley soo gaarey magaalada Addis Ababa kadib markii uu kasoo duuley magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaas oo uu booqasho ku joogey maalmahii lasoo dhaafey.

Lama oga qodobada ay kawada hadlayaan labadaan mas'uul balse warar aan la xaqiijin ayaa warsidahaan u sheegay in wadahadalkooda uu diirada saarayo xiriirka go'an ee labada dhinac iyo arrimo la xiriira shidaalka. Sidoo kale waxaan cadeyn in wadahadalkaan dowlada Ethiopia qayb ka tahay iyo wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu ka dhoofayey magaalada Garowe aan shaacin inuu magaalada Addis Ababa kula kulmayo Ra'isal Wasaaraha Somalia iyo xubno ka tirsan Wasiiradiisa xili asbuucyadii lasoo dhaafey go'aamo kasoo baxey Madaxtooyada Garowe xiriirka loogu jarey markii Labaad dowladda Federaalka.

Dowlada Puntland ayaa bishaan 20 August, 2014 go'aan ka soo saartey kulan wadtashi oo ay la qaateen Xildhibanada dowlada Federaalka iyo kuwa Puntland qaabka loo marayo wadahadal mutaqbalka dhexmari kara labada dhinac kuwaasoo beesha caalamka goob-joog ka ahaaneynso. Halkan ka akhri.

Dhinaca kale Wasiirka Koowaad ee dowlada Federaalka waxaa ku weheliya safarkiisa wasiirkiisa qorsheynta Siciid Cabdulhi Dani iyadoo la filayo kulankaan inuu qaadan doono ilaa berri galanka hore.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa magaalada Addis-Ababa kulan kula leh madaxda shirkada African Oil kuwaasoo dhowaan shuruud ku xirey wadashaqeyn dambe ee Puntland dhexmarta qoraal laga helo dowladda Federaalka.

Wasiirka Batroolka dowlada Federaalka Da'uud Bisle ayaa horey u diidey in dowlada Puntland xaq u leedahay heshiis gaar ah oo ay la gasho shirkadaha shidaalka taasoo ay ganafka ku dhufateen saraakiisha xukuumada Gaas.

Wadahadlkaan Madaxweyne Gaas la leeyahay Ra'isal wasaaraha Dowlada Federaalka ayaa la filayaa inuu ku waydiisto qoraal u fasaxaya in wada-shaqeyn dowladiisa la yeelato shirkadahaan shidaalka.

Lama oga saameynta wadahadalkaan ku yeelanayo golayaasha kale ee dowladda Puntland madaama madaama wadahadal dambe oo lala yeesho dowladda Federalka ay goob joog yihiin beesha caalamka. 

Waxaan wanaagsaneyn wayadaan dambe xiriirka u dhexeeya Ra'isal Wasaraha Somalia iyo Madaxweynaha Xasan Shiikh kuwaasoo khilaafkooda salka ku hayo qaabka loo marayo nidaamka maamul u sameynta gobolada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM