​Madaxweyne Gaas oo la kulmay maal-qabeeno Carbeed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar ku jooga magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa  kulamo kala duwan la qaatay  maal-qabeeno kasoo jeeda qoyska boqortooyada dalkaas.

Tujaartan ayaa waxaa kamid ah Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud iyo Waliid bin Dalaal bin Cabdicasiis Aala Sucuud oo ah maal-qabeeno si weyn looga yaqaano caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  ayaa kala hadlay raggaasi arrimo maal-gashi  iyo inay xukuumadda Cabdiwali Cali Gaas kala shaqeeyaan dardar gelinta mashaariicaha hormarineed.

Gaas ayaa raggan u soo bandhigay qorshayaasha ay maalgashi uga samayn karaan deegaanada Puntland iyo ammaanka arladaasi ka jiray

Maal-qabeennada ayaa shaaciyay in dawladda Puntland ka caawiyaan dhismaha warshado wax soo saar, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, samaynta ceelal biyoodyo iyo inay ka qayb qaataan dar-dargelinta dhoofka xoolaha ee u dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga, iyagoona ugu dambayntii ballan qaaday in ay Puntland booqasho ku imaan doonaan iyagoo ka jawaabayaa marti-qaadkii uu u sameeyey Madaxweynuhu.

Gaas aaya maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa xarunta Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ilaa hadda si rasmi ah loo caddayn arrinta la xiriirta kulamada uu la qaadanay tujaarta iyo hogaamiyaasha dalkaasi, balse warar lagu kalsoonyahay ayaa tibaaxaysa in madaxweynuhuu taageero dhaqaale kala xaajoonayo Boqortooyada fadhigeedu tahay Riyaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM