Madaxweyne Gaas oo la kulmay Odoyaal dhaqameed ka socda DDSI

Image
Image
Image
Image

17 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland ayaa maanta la kulmay Odoyaal dhaqameed ka socda dowlad deegaanka Somalida Ethopia, kuwaasi oo qayb ka ah waxgarad ku hawlan sidii loo soo afjari lahaa colaad muddo ka dhex taagnayd beelo ood wadaag ah oo wada daga Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo qado sharaf u sameeyay Odoyaasha, ayaa uga mahad celiyay dadaalka u galeen sidii beelaha loo hishiisiin lahaa, wuxuuna tilmaamay in Puntland iyo DDSI ka dhaxeeyso xiriir soo jireen ah.

Waxgaradka ayaa dhankooda xusay inuu meel wanaagsan marayo dhammaynta colaadda taagnayd muddo dhan 10 sanno, waxayna sheegeen in guul laga gaari doono arrintaasi oo dhawaan laga soo saaray hishiis nabadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM