Madaxweyne Gaas oo lagu khasbey inuu magaalada Garowe soo galo

Image

24 October,2015 (GO)- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugan magaalada Galkacayo ayaa wararka warsidaha Garowe online helayo sheegayaan inuu damcey inuusan ka qayb galin furitaanka kalfahdiga 36aad ee Barlamanka Puntland.

Xidhibaano diidey magacooda inaan xusno ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey inuu madaxweyne Gaas ka codsadey ku-xigeenkiisa inuu furo Barlamanka Puntland balse ka biyo diidey.

Wararkaan ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu lasoo hadley xubno ka tirsan gudoonka Barlamanka Puntland una sheegey iney ku adagtahay inuu kasoo ambabaxo magaalada Galkacayo madaama aysan weli u dhamaan howlihii uu halkaas u tagey balse ka biyo diideen.

"Lama aqabli karo in Barlamanka Puntland uu madaxweyne ku-xigeenka furo adiga oo ku sugan Puntland gudaheeda sidaas darteed waxaa lagaa codsanayaa inaad furtid kafahdiga" sidaas waxaa madaxweynaha u sheegey gudoonka Barlamanka iyo xildhibano ka tirsan golaha.

Xiriirka shaqo ee u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa wanaagsaneyn mudooyinkii u dambeeyey iyadoo la sheegey inuu ku saleysan yahay khilaafkooda awoodahooda dastuuriga.

Xildhibaano la hadley Garowe Online ayaa u sheegey in madaxweyne Gaas ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa wadanka Imaraadka Carabta isagoo magaalada Galkacayo ku sugnaa muddo labo bilood ka badan.

Magalaada Galkacayo oo aan laheyn gudoomiye gobol iyo gole degaan ee lagu kalsoonaan karo ayaa dadka dura siyaasada madaxweyne Gaas wexey ku eedeynayaan inuu halkaas ka qabto howlihii hay'dahaas laga rabey fulintooda.

Xukuumada Puntland ayaa dhinaca kale kulmin muddo 11 asbuuc ah iyadoo madaxweyne ku-xigeenka u suurtoobi weydey inuu golaha wasiirada isugu keeno kulankoodii khamiis-laha ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM