Madaxweyne Gaas oo qaabiley safiirka Yemen u jooga Somalia

Image

May 17, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa Garoowe ku qaabilay safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani.

Kullan gaar ah oo uu Madaxweynuhu la qaatay Safiirka ayaa waxaa uu uga warbixiyey dadaalka ay dawladda Puntland ugu jirto soo dhaweynta iyo dejinta qaxtootiga ka imaanaya dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaalo.

Waxaa uu sidookale Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii loogu gurman lahaa dadka ka soo qaxaya dagaalada Yemen islamarkaana ay jiraan gudiyo u xilsaaran caawinta walaalaheena Yemen ee dhibaataysan.

Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani ayaa isna dhankiisa dowladda iyo shacabka reer Puntland uga mahadceliyey sida ay ugu gurmadeen walaalahooda ay dhibaatadu ku habsatay.

Sidoo kale Dawladda Puntland iyo shacabkeeda ayuu ku amaanay sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Dawladda Yemen iyo shacabkeeda oo hada galay marxalad dagaal, isagoona qiray inaysan marnaba maankooda ka baxeyn walaalooda Puntland.

Imaanshaha safiirka Yemen ee Puntland ayaa ku soo aadaya xilli ay si xawli ah ku soconayaan qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen ee soo gaaraya gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM