Madaxweynaha Puntland oo casumaad u sameeyey Dr. Farole

Image

07 August,2015 (GO)- Wararka Garowe online soo garaya ayaa xusaya in madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas qado sharaf ugu sameeyey aqalka madaxtooyada Puntland madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamad "Farole".

Qado sharaftaan ayaa timid maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland soo booqdey aqalka madaxweynihii hore Farole ka dagan yahay magaalo madaxda Garowe.

Qadadaan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa safiirkii Somalia u fadhiye jirey wadanka Kenya Maxamad Ali Nurr [ America] oo booqasho ku jooga Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garowe dhamadkii bishii July,2015  ayaa booqashadiisu salka ku haysay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid AHN xaaskiisa Aamino Abiib.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM