Madaxweyne Gaas oo safar ku tagay Oslo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

OSLO, Norway- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa gaaray magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa safar ku maraya waddamada Norwey, Sweden iyo Finland waxaana socdaalkiisa ku wehelinaya Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil kale.

Jaaliyadda Puntland ee waddankaas gaar ahaan Oslo ayaa soo dhaweyn u sameeyay Wafdiga Gaas, waxaana uu garoonka ugu jeediyay hadal kooban.

"Aad iyo aad ayaan idin kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, waana mid aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, waxaadna noo muujiseen dareen wanaagsan oo i farxad geliyey, waana idiinka mahadnaqayaa mar labaad iyo mar saddexaad, waxaan wada qaadan doonaa wakhti wanaagsan, waxaana isku waraysanaynaa kulan inta ka ballaaran,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sida ay wararku sheegayaan Gaas ayaa muddoo kooban joogi doona Oslo isagoo ugasii gudbi doono wadamada Finland iyo Sweden.

Socdaalkan ayaa yimid kadib xilli uu ka qayb galay shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Somalia.

Maaha markii ugu horeysay uu safar caynkan ah madaxweyne Gaas ku maro waddamada Yurub qaybtood, balse kan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro guux xooggan oo ka dashay dood uu furay Cabdiwali Maxamed Cali kadib markii uu waraaq u gudbiyay Barlamanka taasoo lagu kordhinayo tirada Xildhibaanada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM