Madaxweyne Gaas oo sarakiishiisa kala hadlay mudaharaadka xabsiyada Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalada Garowe maalintii shaley 24 May, 2016 kadib markii uu ka soo qayb galay shir loogu qabtey qaar ka tirsan isimada xarunta Karkaar ayaa waxaa uu kulamo deg deg ah la qaatey saraakiisha dowlada.

Kulamadaan ayaa sida Wararka uu ku helayo warsidaha Garowe online diirada saarayey shaqo joojinta ay sameeyeen ciidamada Asluubta Puntland kadib markii askarta lasoo gudboonaatey mushahar la'aan halka maxaabiista ku xireyd xabsiyada raashinku gabaabsi ka noqdey kadib markii dowlada bixin wayday kharashaadkii loogu adeegii lahaa.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Madaxweyne Gaas la kulmay maanta galinkii hore iyo galinkii dambe Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Cadaalada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Asluubta Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wararku sheegayaan in Wasiirka Maaliyada amar ku siiyey inuu bixiyo kharashaadka lagaga leeyahay ciidamada Asluubta halka ciidamada xabsiyada ilaaliyaa cabasho ka muujiyeen arimahaan soo noq-noqanaya in ay hortaagan tahay howlihii loo igamdey. .

Ciidamada Asluubta ayaa mudahraad ku jirey muddo asbuuc ah kuwasoo ka cabanayey mushahakooda  iyo canto la'aan la soo gudboonaatey maxaabiista gacanta ku hayaan. 

Mushahar la'aanta ciidamada Puntland ayaa muddo labo sano iyo bar gudahood dhacdey muddo 5 goor ah taasoo ciidamada sameeyaan gadoodyo noocaan oo kale ah marka arimahaan oo kale lasoo gudboonaadeen.

GAROWEONLINE kala soco wrarka la xiriira mushahar la'aanta ciidamada Asluubta Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM