​Madaxweyne Gaas oo tagay xarun biraha culus lagu sameeyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" ayaa weli kusugan dalka Ethiopia gaar ahaan magalada Addis Ababa, wuxuuna ku guda jiraa tagista xarumo sameeya hubka iyo biraha culus.

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe, ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu shalay 20 April, 2016 booqasho ku tagay xarun lagu sameeyo birta culus iyo gawaarida qaabilsan dhismaha waddooyinka iyo garoomada.

Booqashada xarunta waxaa ku wehilyay madaxweynaha wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle "Indhaguran", waxaana soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta shirkadda lagu magacaabo METEC.

Arrintan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii labada dhinac u kala qaadan lahaayeen xogaha ku saabsan hormarkaa kaabayaasha dhaqaalaha.

Tagista xarumahan ee madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaysa xilli gudaha Puntland ka jirto xaalad adag oo halis galin karta nolosha dadka, taasoo ka dhalatay abaaro baahsan oo gobollada Puntland badankooda kajira, waxaana warbixinnada uu Garowe Online helayo sheegayaan inuusan wali kala hadlin Ethiopia arrinta abaaraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM