Madaxweyne Gaas oo u dabaal dagay labo sanaguurada doorashadiisii

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

09 January, 2016(GO)-Waxaa xalay magalada Bosaso lagu qabtay munaasabad loogu dabaal dagay 08 January oo ah xilliga madaxweyne Gaas loo doortay labo sano ka hor Madaxweynaha Puntland.

Xafladda oo kadhacday madaxtooyada Bosaso,waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa, xubnaha labada gole dowladda Somalia iyo Puntland, Ra’isul-wasaarayaashii hore ee dalka Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, siyaasiyiin, ganacsato, isimo iyo marti sharaf kale.

Dabaaldagga intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay guulaha xukuumadda Gaas gaartay iyo arrimo ku saabsan xaaladda Somalia.

Madaxweyne Gaas ayaa khudbad uu madashada ka jeediyay uga hadlay hormarka socda, wuxuuna sheegay inay horay usii socon doonaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhinacisa ammaanay hormarka deegaanada Puntland ka muuqda, wuxuuna xusay inay hormuud u tahay dhulka kale ee Somalida.

Sannadkii 2014 bishii January sideedii ayaa magalada Garowe lagu doortay madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM