Madaxweyne Gaas oo u dabaal dagay labo sanaguurada doorashadiisii

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

09 January, 2016(GO)-Waxaa xalay magalada Bosaso lagu qabtay munaasabad loogu dabaal dagay 08 January oo ah xilliga madaxweyne Gaas loo doortay labo sano ka hor Madaxweynaha Puntland.

Xafladda oo kadhacday madaxtooyada Bosaso,waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa, xubnaha labada gole dowladda Somalia iyo Puntland, Ra’isul-wasaarayaashii hore ee dalka Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, siyaasiyiin, ganacsato, isimo iyo marti sharaf kale.

Dabaaldagga intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay guulaha xukuumadda Gaas gaartay iyo arrimo ku saabsan xaaladda Somalia.

Madaxweyne Gaas ayaa khudbad uu madashada ka jeediyay uga hadlay hormarka socda, wuxuuna sheegay inay horay usii socon doonaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhinacisa ammaanay hormarka deegaanada Puntland ka muuqda, wuxuuna xusay inay hormuud u tahay dhulka kale ee Somalida.

Sannadkii 2014 bishii January sideedii ayaa magalada Garowe lagu doortay madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM