​Madaxweyne Gaas oo u dhoofay Imaaraadka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah u dhoofay waddanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaaladiisa Dubai.

Socdaalka Gaas, ayaa la xariiri hishiiska lagu ballaarinayo dekedda Bosaso.

Waxaa garoonka diyaaradaha Canoco kusii sagootiyay mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, wuxuuna Madaxweynuhu saxaafadda u sharaxay socdaalkiisa.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa sheegay inuu u tagayo waddankaas dhammaystirka hishiiska lagu casriyaynayo dekedda Bosaso oo uu sheegay inuu marayo heer gabo-gabo ah, isagoo xusay inuu ku rajo weynyahay sidii loo dhammaystiri lahaa.

‘’Waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo  heshiiskii mudo soo socdey ee ahaa ballaarinta iyo casriyaynta dekedda magaalada Bosaso, heshiis kaas oo mudo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado,” Ayuu yiri mudane Gaas.

“Mashruucani waxaana uu wax weyn katarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland,’’ Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha Puntland.

Safarkan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan Madaxweyne Gaas uu sheegay in arrimaha ka harsan mashruucan ay dhammaystiri doonaan mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ku jiro Guddoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi.

Lama oga waxaa soo dadejiyay socdaalkan oo yimid 13 Maalmood oo kaliya xilli Madaxweynuhu joogay caasumadda Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM