​Madaxweyne Gaas oo u dhoofay Imaaraadka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah u dhoofay waddanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaaladiisa Dubai.

Socdaalka Gaas, ayaa la xariiri hishiiska lagu ballaarinayo dekedda Bosaso.

Waxaa garoonka diyaaradaha Canoco kusii sagootiyay mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, wuxuuna Madaxweynuhu saxaafadda u sharaxay socdaalkiisa.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa sheegay inuu u tagayo waddankaas dhammaystirka hishiiska lagu casriyaynayo dekedda Bosaso oo uu sheegay inuu marayo heer gabo-gabo ah, isagoo xusay inuu ku rajo weynyahay sidii loo dhammaystiri lahaa.

‘’Waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo  heshiiskii mudo soo socdey ee ahaa ballaarinta iyo casriyaynta dekedda magaalada Bosaso, heshiis kaas oo mudo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado,” Ayuu yiri mudane Gaas.

“Mashruucani waxaana uu wax weyn katarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland,’’ Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha Puntland.

Safarkan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan Madaxweyne Gaas uu sheegay in arrimaha ka harsan mashruucan ay dhammaystiri doonaan mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ku jiro Guddoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi.

Lama oga waxaa soo dadejiyay socdaalkan oo yimid 13 Maalmood oo kaliya xilli Madaxweynuhu joogay caasumadda Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM