​Madaxweyne Gaas oo u dhoofay Jabuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay magalada Jabuti ee xarunta Djabuti, halkaas oo dhawaan ka dhici doonto caleema saar ku aadan dib u doorashada madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle.

Safarka, waxaa madaxweynaha ku wehelinayay xubno katirsan dowladda.

Ka hor intuusan ka dhoofin magalada Bosaso, wuxuu la hadlay Cabdiwali Maxamed Cali warbaahinta isagoo uga warbixiyay safarkiisa, wuxuuna tilmaamay inuu ka qayb galayo caleema saarka Geelle, kadib markii uu helay casuumad.

Gaas, ayaa intaasi raaciyay in labada xukuumadooda ka dhaxeeyo xiriir walaalnimo, saaxiibtinimo, Soomaalinimo iyo mid Islaannimo, sidaasi darteed ka qayb galka caleema saarka sare u qaadayso xooggin calaaqaadkaasi.

Madaxweynaha ayaa dhoofey xilli Puntland ka jiro jirto xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah, waxaana maanta markale ka dhacay Garowe dibadbax looga soo horjeedo sicir barar ku yimi maciishadda iyo sarrifka lacagaha qalaad, taasoo sabab looga dhigay lacago dalka lagu daabacay oo suuqyada ku faafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM