Madaxweyne Gaas oo u safray Ingiriiska [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta u safray dalka Ingiriiska si uu uga qayb galo shirka arrimaha Somalida looga hadlayo ee 10 bisha May ka dhacaya magaalada London ee Boqortooyada Britain.

 Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa sii maridoona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay uga sii gudbi donaan magaalada London.

“Saaka waxaan u dhoofayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aan uga sii gudbi doono magaalada London halkaas oo aan uga qayb gelidoono shirkii Soomaalida ee lagu qabanaayo London 10 bisha May, waxaan rajaynayaa inuu noqdo shirkaasi shir guul iyo khayreh Soomaaliyana wax uga soo kordhaan, waxaan rajaynayaa shirkani inuu ka duwanaado shirarkii hore ee laysugu tegijirey wadamada kale sababtu waxa weeye muhiimada uu maanta leeyahay shirkaasi, shirkani muhiimadiisu waxa weeye in lahelo ciidan qaran, in lahelo dib u dhis  horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo oo  ladhaqaajiyo nabad gelyadii iyo horumarkiiba, waxaanu ka filaynaa maxsuulka ka soo baxa shirkaasi uu noqdo  mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Somalia,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Weftiga Madaxweynaha yaa waxaa garoonka Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo kusii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka DFS oo hawlo u jooga Galkacyo, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada gobolka Mudug iyo qaar kamida wax garadka magaalada.

Shirka London, ayaa diiradda lagu saari doona arrimaha amniga iyo sidii loo samayn lahaa ciidamo Qaran oo badala AMISOM.

GAROWENLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM