​Madaxweyne Gaas oo u safray Muqdishu [Dhagayso]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta ka ambabaxay magaalo madaxda Garowe iyagoo kusii jeeda caasumadda Somalia ee Muqdishu.

Gaas, ayaa ka qayb galaya shirka madasha Qaran oo maalinta barri ah [29 May, 2016], ka furmaya caasumadda Somalia, kaasi oo ay isugu imaan doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Federalka.

Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Canoco, ayaa sheegay inuu aadi doono magalada Muqdishu oo muddo saddex bari ah kasocon doono shir looga hadlayo qaabkii loo dardar galin lahaa nidaamka doorashada Somalia, isagoo intaasi ku daray inuu shirka kadib kusoo laaban doono caasumadda Garowe.

Hadalkan, ayaa meesha kasaaraya safar la qorsheeyay inuu madaxweynuhu ku aado waddanka isutagga imaaraadka Carabta.

Kulankan, lagu qabanayo Muqdishu, ayaa qorshuhu ahaa inuu ka dhaco caasumada Garowe sida uu madaxweyne Gaas kusheegay shir jaraa'id oo ku qabtay madaxtooyada xilli uu kasoo laabtay Muqdishu.

Waxaa sidoo kale baaqday kulan 26 bishan ka furmi lahaa Garowe, kaasi oo looga hadli lahaa dastuurka Somalia. Ilaa hadda lama garanayo sababta baajiyay.

Safarkan waxaa madaxweynaha ku weheliyay, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad oo xarunta Puntland u yimi arrimo la xiriira shirka baaqday ee dastuurka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM