Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo u dhoofay Jabuuti

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu u duulay Jabuuti, sidda uu xaqiijiyey afhayeenka madaxtooyadda.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kala duwan ayaa wuxuu qeyb ka yahay martida lagu casuumay xuska maalinta xorriyada wadanka Jabuuti, 27-ka June.

Qaban-qaabada xafladaasi ayaa ka socota xarunta waddankaas, halkaasi oo sidoo kale la filayo in madax ka tirsan dowlada federaalka ay kasoo muuqan doonan.

"Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u safray dalka Jabuuti.Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka midyihiin xubno ka mid ah labada gole ee Dowladda, ayaa ka qeybgeli doona munaasibada 27June maalinta xornimada Jabuuti," ayuu yiri Jaamac Dabraani.

Jabuuti oo dhulka Soomaaliyeed horey ka tirsaneyd, xorriyadeedana dib ugala soo noqotay Faransiiska ayaa dal madax banaan ku noqotay heshiis ay ogolaatay dowladii Soomaaliya ee xiligaasi jirtay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lagu wadaa in uu xafladaasi ka jeediyey khudbad uu dib ugu xusuusunayo taariikhihii hore iyo halgankii xorriyad u dirirka.

Sikastaba, Puntland iyo Jabuuti ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah si gaar ah dhinacyadda ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sanadka kasta marka la gaaro xuskan gobolada dalka qaarkood looga dabaaldego, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo Puntland ayaa ka qeybgala munaasabadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM