​Madaxweyne ku-xigeenka oo ka qayb galay isu-soobaxa Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 25-Feb-2016 waxaa uu magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kaga qayb galay isu-soobax roobdoon ah, kaas oo EEBBE lagaga baryayey in uu ka dulqaado abaaraha saameyey  guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland isla markaana ugu beddelo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soo baxaas roob doonta oo ah oo lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee Boosaaso ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, culumaa’udiin iyo kumannaan dadweyne ah, kuwaas oo dhammaantood isugu soo baxay siday ilaahay uga baryi lahaayeen inuu ka feydo abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  oo la hadalayey kumannaankii dadweynaha ahaa ee isu soo baxa roobdoonta kasoo qayb galay ayaa kula dardaarmay inay ilaahay u toobad keenaan, isla markaasna cafis weydiistaan si uu ugu naxariisto.

Camay, ayaa sidoo kale ku boorriyey guud ahaan shacabka Puntland inay isu naxariistaan isla markaana ka fogaadaan waxyaabaha macsida ee keenaya carada ALLE.

Ku-xigeenka Madaxweynaha, ayaa sidoo kale Ilaahay  uga baryey guud ahaan ummadda Somaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland meelkastoo ay joogaan inuu uga gar-gaaro abaaraha ba’an ee waxyeelleeyey dadkii iyo duunyadiiba, isla markaasina uu ka waraabiyo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soobaxan maanta lagu qabtay Bosaso, ayaa ahaa mid hore u iclaamisey Wasaaradda Caddaaladda Puntland in uu ka qabsoomo dhammaan gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM