Ku xigeenka Puntland : Dadkaas waa laga maadeystaa Hargeysa"

Image

GAROWE, Puntland- Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Eng: Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar Camay waxaa uu ka hadlay arimaha dhulalka laysku haysto iyo xiisada u dhaxaysay iyaga iyo maamulka Somaliland.

Camey waxaa uu sheegey in dhulka Puntland dadka ay ku heli karaan marka ay maraan sifo sharci ah, waxaana uu ka digay dadka dooxooyinka cagafta galinaya ee iska dhisanaya, isagoona ciidamada dowladda ku amray inay howsha noocaas ah ganacta ku dhigaan.

Kusimaha Madaxwaynaha Eng: Camey ayaa tilmaamay in Hargaysa laga maadaysto, dowlada Puntland ay ka wayn tahay inay daba gasho maamulkaasi, balse uuna boosna uga banaanayn cid waliba oo doonaysa inay qalalaaso ka dhex abuurta shacabka iyo dowladda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax aan hadda tixraaco oo aan ka hadlo ma jirto, ragga qaar hadlayay waxay ila tahay Hargaysa waa lagu maadaystaa, anaguna nin maadaystaa hadalkiisa inaan dabagalno Puntland way ka kotay, waxaan leeyahay dadka raba qaska keenaan Puntland inay meelina uga banaanayn” ayuu yiri Camey.

Xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan waxa ka taagan muran badan, waxana labada dhinac mid waliba kan kale ku eedeeyaa inuu haysto dhul aanu xaq ulahayn, taas oo keenta in gacan ka hadal yimaaddo mar-marka qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM