Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Dacwad u gudbiyey Maxakmada Sare

Image

GAROWE- Maxkamada Sarre Puntland ayaa lagu wadaa in ay berri dhagaysto dacwad u dhaxaysa Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taasi oo la xiriirta khilaafka dastuuriga ah

Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijiyey in Madaxwayne ku xigeenku maxkamada u gudbiyey dacwad la xiriirta Gudiga xalinta khilaafaadka ee Madaxwayne ee Madaxwayne Gaas magacaabay isla markaana labada dhinac diyaarsadeen qareemadii difaaci lahaa 

Khilaafka Maxda sare ee Puntland oo ah mid dastuuri ah ayaa maxkamada sare dhegaysan doonta madaama aysan Puntland lahayn maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd khifaadka noocaan ah .

Sharci yaqaano ayaa Garowe Online u sheegay in Maxakamada sare matali karto midda Dastuuriga ah.

Gudiiga xalinta khilafaadka ayaa 20 sano ay Puntland jirtey waxaa magacabistiisa iska lahaa Madaxweynaha isagoo la tashanaya ku xigernkiisa, musharaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Arintaan ayaa ku soo beegaysa iyadoo Manta Gudiga khilaafadka ee Madaxwayne Gaas magacaabay shaqadooda bilaabayaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM