Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay Jidka Eyl iyo Dongoroyo

Image
Image
Image
Image
Image

05 September, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenka madaxweynaha Puntland  ayaa maanta gaaray degmooyinka Dongoroyo ee gobolka Nugal, waxayna dhagax dhigeen dhismaha jidka isku xiri doona Eyl iyo Dongoroyo.

Dhaqaalaha lagu dhisayo waddada ayaa ah mid shacabka deegaanku iska aruuriyeen, waxaana boqolkiiba konton ballan qaaday Gudoomiyaha guddiga dhismaha wadada Aadan Maxamed Ciise Gaadaale.

Mas'uuliyiinta uu hogaaminayay Camay ayaa la kulmay dadka deegaanka ka hor dhagax dhiga, waxayna ka wada hadleen dhismaha jidka labada degmo isku xiri doona iyo qaabkii looga qayb qaadan lahaa dhismihiisa.

Barnaamijka wadada loogu samaynayo degmooyinka ka tirsan gobolka Nugal waxaa soo dhaweeyay shacabka deeganadaasi oo sheegaya inay diyaar u yihiin bixinta kharashka lagu dhisayo intii awoodooda ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaa barnaamijka xukuumaddu waddo ee isku tashiga, balse ma caddayn kaalinta dowladda Puntland ka qaadan doonto hadii ay ahaan lahayd dhinac dhaqaale iyo taageero kaleba.

Dhismaha waddada isku xirta Dongorayo iyo Eyl ayaa la bilaabayaa bisha soo socota, waxaana dhinac socda dhaqaale uruurin ay wadaan guddi hawshaasi loo xilsaaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM