​Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo furay shir ku saabsan Mashruuca JPLG

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 10 July, 2017 waxuu caasimadda Garowe ku daah-furay shirweynaha dib u eegista mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Shirkaas oo sanadkasta qabsooma isla markaana daba socdey shirarkii hore ayaa waxaa lagu gorfeeyaa tallaabooyinka dhinaca horumarka loo qaaday iyo guulaha laga gaaray mashruuca JPLG sanadkii tagay.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka ku wehelinayey hay’adaha Qaramada Midoobey iyo wasaaradaha Dawlad Goboleedka Puntland ee ay sida wada jirka ah uga dhaxayso dhaqaajinta iyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca JPLG, kuwaas oo kala ah Hay’addaUNDP, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada, Howlaha Guud, Maaliyadda iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee ku midaysan horumarinta iyo ka faa’iidaysiga mashruuca JPLG ayaa madasha shirka ka hadlay waxayna si qota dheer uga warameen mashruuca oo maraya heer gebo-gebo ah iyo sidii loo kordhin lahaa mudada mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii loo xallin lahaa, arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu guulaysto iyo hirgelinta qorshayaashii waxqabad ee baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo shirka si rasmi ah u daah-furay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay faa’iidooyinka iyo horumarka laga dhaxlay mashruuca JPLG isagoo caddeeyey in Puntland ay buuxsio markasta dawrka ay ku leedahay mashruuca isla markaana ay diyaar u tahay sixitaanka iyo dhaqaajinta qorshayaashii baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahad celiyay hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka qayb qaata socod siinta mashruucan iyo dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha kale ee Maamulka oo iyaga laftoodu kaalin muhiim ah ku leh mashruuca JPLG.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM