Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo tagay Qardho gobolka Karkaar

Image

26 November, 2016(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camay oo wehelinayaan taliyaha ciidanka Boliiska Puntland iyo saraakiil ka tirsan hay'adda UNDP ayaa maanta tagay maagalada Qardho xarunta gobolka Karkaar.

Safarka Camay ee Qardho ayaa salka ku haya sida wararku sheegayaan soo furista mashaariic halkaasi laga fuliyay, gaar ahaan dhimso lagu daray jeelka ku yaalla magalada Qardho.

“Waxaa farxad noo ah inaan ka soo qayb galno furitaanka xarunta cusub oo taariikhi ah, anigana la ii sheegay in Talyaanigii iyo Ingiriiska labaduba saldhigani shaqaynayay, runtii marka inaan joogo guul weeye waana maalin taariikhi ah,”Ayuu yiri Camay.

Ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ka go'antahay sidii loo tayayn lahaa laamaha garsoorka iyo dhinacyada Boliiska, wuxuuna ka mahadceliyay mashaariicda UNDP ka wado deegaanada Puntland.

Dadka reer Qardho ayuu kula dardaarmay inay daryeelaan dhimaha quruxda badan ee loo dhisay, wuxuuna u sheegay inay diyaar u yihiin say degmada ugu dhisi lahaayeen xarumo kale.

Camay ayaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu la kulmay waxgardka iyo maamulka Qardho, waloow aan la cadayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM