Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo tagay Qardho gobolka Karkaar

Image

26 November, 2016(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camay oo wehelinayaan taliyaha ciidanka Boliiska Puntland iyo saraakiil ka tirsan hay'adda UNDP ayaa maanta tagay maagalada Qardho xarunta gobolka Karkaar.

Safarka Camay ee Qardho ayaa salka ku haya sida wararku sheegayaan soo furista mashaariic halkaasi laga fuliyay, gaar ahaan dhimso lagu daray jeelka ku yaalla magalada Qardho.

“Waxaa farxad noo ah inaan ka soo qayb galno furitaanka xarunta cusub oo taariikhi ah, anigana la ii sheegay in Talyaanigii iyo Ingiriiska labaduba saldhigani shaqaynayay, runtii marka inaan joogo guul weeye waana maalin taariikhi ah,”Ayuu yiri Camay.

Ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ka go'antahay sidii loo tayayn lahaa laamaha garsoorka iyo dhinacyada Boliiska, wuxuuna ka mahadceliyay mashaariicda UNDP ka wado deegaanada Puntland.

Dadka reer Qardho ayuu kula dardaarmay inay daryeelaan dhimaha quruxda badan ee loo dhisay, wuxuuna u sheegay inay diyaar u yihiin say degmada ugu dhisi lahaayeen xarumo kale.

Camay ayaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu la kulmay waxgardka iyo maamulka Qardho, waloow aan la cadayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM