Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay shaqaaqadii Buuhoodle

Image

23 December, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdikiim Cabdullaahi Cumar Camay ayaa ka hadlay xiisad dagaal dhawaan ka dhacday deegaano ku dhow degmada Buuhoodle gobolka Cayn, wuxuuna sheegay arrintaasi inay la xiriirtay xuduudda Puntland iyo Ethopia.

Camay ayaa xaaladdaasi ka hadlay xilli maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe caasumadda Puntland, wuxuuna sidoo kale ka waramay safarkiisa degmadaas.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in isaga wafdigiisa xarunta gobolka Cayn u tageen arrimo la xiriira tacsi kadib dhimashadii Hooyadii.

Waxaa uu tilmaamay inay gacan ka gaysteen qaboojinta dagaalka isaga iyo qunsulka Ethopia u fadhiya Puntland kaaso tagay magalada Buuhoodle, wuxuuna xusay in xaaladdu meel wanaagsan marayso.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay deegaamo yar yar oo hoos yimaada xarunta gobolka Cayn, waxaana waqtigaas degmada ku sugnaa Eng: Camay iyo wafdigiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM