Madaxweyne Puntland oo tagay Bosaso gobolka Bari [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

06 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Bosaso xarunta gobolka Bari. 

Waftiga waxa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntlad Eng.Cabdixakiiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin kale. 

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay afaafka hore magalada, waxaana kusoo dhaweeyay wasiirro, maamulka gobolka, degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kahor inta aysan imaan magalada Bosaso mas'uuliyiinta ayaa kusoo hakaday degmada Waaciya gobolka Karkaar halkaas oo uu Madaxweyne Gaas kula kulmay waxgaradka deegaanka isagaoo kala hadlay arrimo nabadgalyo kamid tahay iyo sidii loo joojin lahaa khilaaf degmada Waaciya ka taagan.

Degmada Carmo ee gobolka Bari ayuu Madaxweynuhu xarigga kaga jaray Cusbital weyn oo dhowaan laga hirgeliyey, wuxuuna ku ammaanay Dr.Saalax oo ah Aas-aasaha cusbitalka sida muwaadinnimadu kujirto ee howshan isugu xilsaaray. 

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale dhagax dhigay magalada Bosaso Buundo horey u go’day, islamarkaasna lagu dhisayo barnaamijka dowladdu ugu magac dartay "Puntland ha isku tashato" waxaana kucaya kudhowaad adduun lacageed oo gaaraya $40,000(Afartan kun oo doolar). 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay barnaamijka Ileyska cad-ceeda ku shaqeeya, kaas oo ay iska kaashanayaa dowladda hoose degmada Bosaso iyo hay’adda "SSF".

Gaas ayaa intaas kadib saxaafadda kula hadlay magalada Bosaso isagoo kawarbixiyay safarkiisa wuxuuna xusay inay u yimaadeen furitaanka garoonka diyaaradaha, ballaarinta dekedda Bosaso iyo kaqayb qaadashada mashaariico hormarineed oo degmada laga fuliyo.

Xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa kusii qulqula mas'uuliyiinta katirsan Puntland, waxaana la hadal hayaa inay yimaadaan wufuud kasocota maamulka Jubbaland iyo DFS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM