Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo ku kulmay Gaalkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa markii ugu horeysay kulmay tan iyo markii ay xilalka ka qabteen dowladaha xubinta ka ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa isku arkay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Gaalkacyo. Kulanka waxaa ku wehliyey wasiiro labada dhinac ka kala socday.

Wallow ay qoraal kooban kasoo saartay, Madaxtooyadda Puntland oo aan tafaasiil ka bixin qodobada shir-madaxeedka lagu lafaguray ayaa adeegsatay kalmada in Deni uu "qaabilay" dhigiisa Qoor.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa hadda qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Gaalkacyo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo," ayaa lasoo dhigay barta Facebook ee Maaxtooyada.

Dhanka kale, madaxtooyadda maamul goboleedka xaruntiisu tahay magaaladda Dhuusamareeb oo bayaan kooban soo saartay dhankeeda ayaanan fahfaahin ka bixin ajandaha kulanka.

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye 'Qoorqoor' ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni," ayaa lagu soo qoray barta Facebook ee Maaxtooyada.

Labada maamul ee deriska ah ayaa waxay kawada arimiyaan xarunta gobolka Mudug, waxayna kawada shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo nabadda.

Dhanka kale, Deni iyo Qoor ayaa kawada qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, kaasoo looga wada hadlay amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha.

Kulankaan ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in dhowaan uu Muqdisho ka furmo Shirka Amniga Qaranka oo madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamulada loogana hadlayo Amniga iyo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM