Madaxweynihii hore ee Puntland oo tacsi u direy dadka Soomaaliyeed

Image

February 21, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarkii shalay Muqdisho ka dhacay iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Farole ayaa weerarka ku tilmaamay fal waxashnimo ah kaasoo ka durugsan mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo bini aadamnimada.

Dadka weerarka ku dhaawacmay wuxuu Ilaah uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo kana dul qaado dhibka.

"waxa meesha ka dhacay waa wax laga naxo oo ah argagixiso rasmi ah...waxan jeclahay inaan tacsi u soo jeediyo intii dhimatey eheladooda, haday yihiin reer Puntland iyo haday yihiin gobollada kale" ayuu yiri.

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Puntland inay midnimadooda ilaashadaan meelna uga soo wada jeestaan cid kasta oo midnimada iyo ammaanka wax u dhimi karta.

"idinkuna midnimadiina iyo taxadarkiina iyo inaad wada shaqeysaan oo amniga la wada adkeeyo oo nin walba dhinaciisa ka dadaalo ayaan idinkula dardaarmayaa"

Weerarkan waxaa cambaareeyey beesha caalamka iyo madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha kale ee qaybta ka ah federaalka gaar ahaan Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM