​Madaxweynihii hore Puntland General Cadde muuse oo geeriyooda

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynihii hore Puntland General Maxamud Muuse Xirsi (Cadde), ayaa ku geeriyooday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa.

Cadde Muuse, oo muddooyinkii dambe dalkaas ku noolaa ayaa la sheegay in geeridiisu timid kadib caafimaad darro haysay maalmahan.

"Allaha u naxariisto Cadde Muuse wuu geeriyooday, wuxuuna ku dhinta magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, waa uu xanuunsanaa muddooyinkii dambe, balse cimrigiisa ayaa waqtigan ku ekaa, waxaana EBBE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo," Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah ehelkiisa.

Marxuumka oo taariikh dheer ku leh dalka Somalia islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay, ayaa Puntland kasoo talinayay January 8, 2005 ilaa January 8, 2009 markaas oo xilka kala wareegay Cabdiraxmaan Farole.

Maamulka, tifaftirayaasha iyo shaqaalaha Garowe Online, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Somaliyeed ee uu ka baxay marxuumku anagoo ALLE u weydiinayna uu ka waraabiyo naxariistii Janno.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM