Magacyada guddiga loo saarey qabanqaabada shirka wadatashiga PL

Image

May 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddi 11 xubnood ka kooban u saaray qaban qaabada iyo agaasinka shirka wadatashiga Puntland, shirkaasoo la sheegay inuu qabsoomi doono bishan May 15-keeda, waxaa ajandeyaasha looga doodi doono ugu muhiimsan:

  1. In dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii bulsho ee Puntland lagu dhisay 1998.
  2. Xal u helidda colaadaha qabaliga ah ee soo noq noqda.
  3. Hirgelinta siyaasad maamul oo fur-furan kuna saleysan nidaamka axsaabta badan.

Xubnaha guddiga oo laga soo kala xuley shanta gobol ee kala ah Bari, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag, waxay magacyadoodu kala yihiin:

Nugaal:
Maxamuud Sheekh Xaamud
Maxamuud Xaaji Yuusuf

Bari:
Cabdullaahi Cali Qood
Cabdiqaadir Axmed Ibraahim Xarago
Maxamuud Xaaji Saalax

Mudug:
Maymuun Faarax Sonkor
Cabdinaasir Maxamuud Gurey

Sool:
Maxamed Jibriil Caateeye 
Axmed foortayn  

Sanaag:
Jamac marawayn
Xubinta kale ee Sanaag weli ma helin magaceeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM