Xildhibaannada golaha deegaanka Garowe oo lasoo xulay [DHEGEYSO]

Image

August 17, 2015 (GO)- Waxaa maanta la shaaciyey magacyada 27ka xildhibaan ee kamid noqon doona golaha deegaanka ee degmada Garowe. Xubnahan oo xulistoodu muddo socotey ayaa iska dhex dooran doona  dhowaan guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.

Guddiga loo xil saarey soo xulista xildhibaannada golaha deegaanka Garowe ayaa dib u celiyey labo kamid ah xubnihii lasoo gudbiyey, kuwaas oo lagu kala magacaabo Cabdiqaadir Xasan Kilwe iyo Daahir Maxamed Siciid.

Garowe Online ayaa ogaatey in sababta guddigu u diidey xubinnimada Cabdiqaadir iyo Daahir tahay maadaama ay dhallinyaro yihiin, da'dooduna ka yar tahay soddon sano.

Arrintan ayaa muran dhalisey kadib markii nabadoonada labadaas xubnood keenay diideen in ay soo bedelaan.

Dastuurka Puntland ayaa qaba in qof kasta oo da'diisu ka yarayn 25 jir uu kamid noqon karo xildhibaannada goleyaasha deegaanka.

LIISKA XILDHIBAANNADA CUSUB:

  1. Axmed Siciid Geelle
  2. Axmed Siciid Aadan
  3. Ayaan Xuseen Jaamac
  4. Cawil Sheekh Xaamud
  5. Cabdiweli Ismaaciil Yuusuf
  6. Cabdirisaaq Faarax Maxamed
  7. Cabdiraxmaan Khaliif Ciise
  8. Cismaan Maxamed Siciid
  9. Caasho Cabdi Xuseen
  10. Daahir Khaliif Siciid
  11. Farxiye Shire Caato
  12. Maxamed Salaad Weyrax
  13. Maxamed Cali Faarax
  14. Mustafe Maxamed Jaamac
  15. Mahad Maxamed Ciise
  16. Maxamed Jaamac Sooyaan
  17. Maxamuud Axmed Cabdi
  18. Maxamed Yaasiin Aw-cali
  19. Mawliid Xaaji Axmed 
  20. Mustafe Maxamuud Ismaaciil
  21. Maxamed Cali Maxamed
  22. Maxamed Cumar Axmed
  23. Suhuur Xaashi Maxamed
  24. Xaawo Axmed Maxamed
  25. Xasan Maxamed Ciise

 


GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM