Maleyshiyaad "xiratay" wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Boosaaso

Image
Wararka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in talaabadan ay xayirtay gadiid farabadan oo xamuul ah.

GAROWE, Puntland - Kooxo maleeshiyaad ah oo ka careysan in Dowladda Puntland xal ka keeni waydey iska-horimaad ku dhexmartey ciidamo Ilaalo ah iyo kuwa booliiska gobolka Mudug bishii April ee la soo dhaafey ayaa hakad geliyey isu-socodka wadada muhiimka ee isku xirta Gaalkacyo iyo magaalada ganacsiga ee Bosaaso.

Isku-dhacan oo dhaawac culus ka soo gaarey Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa, sida warsidaha GO ogaadey, waxaa guddi u saarey Madaxweyne ku xigeenka Puntland kuwaas oo loo xil-saarey iney soo baaraan dhacdadaan.

Gudigaan ayaa, sida wararka sheegayaan, go’aan ka gaarey dhinacii bilaabey is-raaseynta iyo in dowlada Puntland bixiso khasaarihii halkaas ka dhashey.

Qaar ka tirsan dadka aad ugu dhow arinkaan ayaa tibaaxay in kooxdaan maleeshiyaadka ah ka careysan tahay in go’aanka guddiga aan la shaacin iyo in khasaarihii la sheegey in dowlada bixineyso aan la bixin.

Wararka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in halkaas ku xanibanyihiin gadiid farabadan oo xamuul ah iyadoo isku-dayo waxgaradku sameeyey aysan Miro dhalin.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo dowladda Puntland ay kasoo saartey arrintan. Warbixino cusub waxay muujinayaan in ay bilowdeen dadaalo lagu qaadayo jidgooyadda cusub.

Dowlada Puntland gaar ahaan Madaxweyne Dani oo in muddo ah ku mashquulsanaa tartanka madaxtinimida Soomaaliya ayaa waxaa horyaala arimo badan oo xal u baahan gaar ahaan colaadaha qabaa’ilka iyo maleeshiyaadka hubeysan kuwaas  marar qaar isku daya in cabashooyinkooda ku muujiyaan talaabooyin noocaan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM