​Mallayshiyaadkii qabsaday Qandala oo isaga baxay

Image

BOSASO, Puntland- Mallayshiyaad sheegtay inay katirsan Daacishta ku sugan Puntland oo shalay la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa wararku sheegayaan inay halkaas isaga baxeen.

Lama oga goobta ay u ruqaansadeen, kooxdan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 ruux.

Dadka deegaanka ayaa GO, u xaqiijiyay in xalay saq dhexe mallayshiyadan ka guureen degmada iyagoo ka qaatay astaantooda Madoow oo markii hore goobta laga taagay.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Puntland.

Tallaabada bixitaanka ciidamada ururkan ayaa timid iyadoo ciidamo katirsan kuwa Puntland kusii jeedeen degmada Qandala.

Degmadan oo wax ka yar 100KM u jirta magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku taalla goob muhiim ah, waxaana ka qaxay dadkii halkaas ku noolaa iyagoo ka cabsi qaba dagaal dhexmara ciidamada Puntland iyo kooxdaas.

Waa markii ugu horraysay koox katirsan Daacish ay gacanta ku dhigto deegaan ku yaalla Somalia, balse waxaa horay loo xaqiiqsanaa in mallayshiyadan joogto gobolka Bari.

Waxaa hogaamiya ninka lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo horay uga mid ahaa Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM