​Mallayshiyaadkii qabsaday Qandala oo isaga baxay

Image

BOSASO, Puntland- Mallayshiyaad sheegtay inay katirsan Daacishta ku sugan Puntland oo shalay la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa wararku sheegayaan inay halkaas isaga baxeen.

Lama oga goobta ay u ruqaansadeen, kooxdan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 ruux.

Dadka deegaanka ayaa GO, u xaqiijiyay in xalay saq dhexe mallayshiyadan ka guureen degmada iyagoo ka qaatay astaantooda Madoow oo markii hore goobta laga taagay.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Puntland.

Tallaabada bixitaanka ciidamada ururkan ayaa timid iyadoo ciidamo katirsan kuwa Puntland kusii jeedeen degmada Qandala.

Degmadan oo wax ka yar 100KM u jirta magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku taalla goob muhiim ah, waxaana ka qaxay dadkii halkaas ku noolaa iyagoo ka cabsi qaba dagaal dhexmara ciidamada Puntland iyo kooxdaas.

Waa markii ugu horraysay koox katirsan Daacish ay gacanta ku dhigto deegaan ku yaalla Somalia, balse waxaa horay loo xaqiiqsanaa in mallayshiyadan joogto gobolka Bari.

Waxaa hogaamiya ninka lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo horay uga mid ahaa Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM