Maxaa sababey in maleeshiyaad qabsadaan xarunta degmada Burtinle?

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta hakad ku yimi doorashada golaha deegaanka degmada Burtinle gobolka Nugal oo la qorshaynayay inay dhacdo saaka.

Malayshiyaad hubaysan ayaa qabsaday xarunta doorashada lagu qaban lahaa, kuwaasi oo ka tirsan beelaha daga degmada Burtinle.

Kooxaha qabsaday xarunta ayaa sheeganaysay inay leeyihiin jagada gudoomiyaha golaha deegaanka oo ay u taagnayeen murashaxiin kala duwan.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, Gudoomiyaha gobolka Nugal iyo saraakiil kale ayaa ku sugan Burtinle, waxaana la sheegay in falkaasi u bandhigeen waxgaradka Burtinle oo ay ka codsadeen inay dhexdooda ka soo xalliyaan waxa keenaya in kooxa hubaysan qabsadaan goobtii lagu qaban lahaa doorashada Burtinle.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland ee laga soo doorto gobolka Mudug ayaa wararka Garowe Online soo garaya sheegayaan inay ku soo socdaan degmada Burtinle si loo xalliyo khilaafka jira.

Wararka ayaa sheegaya in doorashada bilaabatey kadib markii la qanciyey maleeshiyo beeledkaas qabsadey halka ay ka dhaceysay doorashada golaha degaanka Burtinle.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiya beeledkaa hogaaminayo Duqii hore ee degmada kasoo horey loogu magacaabey xilkaan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli qabaa'ilka Puntland dhumiyeen kalsoonida ay ku qabaan in Hay'adaha dowliga ah xaliyaan khilaafaadka dhexdooda ah.

Dhinaca kale, nidaamka qabaliga ah ee lagu soo dhiso golayaashaa Deegaanka Puntland ayaa horseedaya in beelaha qaarkood aaminaan in Gudoomiyaha degmada u xirmaysanyahay hal qabiil.

Puntland ayaa isku dayday sannadkii 2013 inay nidaamkaas ka gudubto, balse siyaasiyiin uu ka midyahay Madaxweynaha talada haya ayaa ku sameeyay is-hortaag, taas oo sababtay xukuumadii markaa jirtay inay baajiso doorashooyinkaas si dhiiga dadka walaalaha isugu daadan.

Qabsashada xarumo muhiim ah iyo gadood is-daba jooga ayaa tan iyo markii Madaxweyne Gaas xilka qabtay caado ka noqotay qaybo ka mid ah Gobolada iyo degmooyinka Puntland, waxaana dhaliyay mushahaar la'aan joogto ah iyo habacsanaan dhanka maamulka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM