Manhajka Waxbarashada PL oo lagu baaqay in la joojiyo

Image

GAROWE, Soomaaliya - Todobaadkii u danbeeyay waxaa si wayn usoo shaac baxay cabashada Manhajka waxbarashada ee dugsiyada sare ee Puntland.

20 bishaan golaha wasiirada ee Puntland ayaa joojisay in la dhigto maadada Taariikhda tan iyo inta dib laga saxayo khaladaadka kujira.

Maxay yihiin khaladaadku?

Qaarada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa lagu muujiyay iyada oo gobalada SSC-Khaatumo lagu daray maamulka Somaliland iyada oo taasi ay keentay carro ka dhalatay baraha Bulshada.

Sidoo kale waxaa ay falcelin bulsho ka dhalatay Astaamo kale oo dadka ka aragti dhiibtay qaybtood ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Akhlaaqda bulshada iyo dhaqankooda.

Dr Mustafe Cabdiraxmaan Maxamed oo ah bare jaamacadeed ayaa soo jeediyay in gebi ahaanba manhajka la joojiyo lana xisaabtamo cida ka masuulka ah" Waxaan ku talinayaa in manhajkaan la joojiyo lana xisaabtamo cidii gabtay masuuliyadaas oo ay ugu horeeeyaan masuuliyiinta wasaarada waxbarashada".

Wasiir xigeenka waxbarashada Puntlanx, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa shaqadii ka joojiyay 21 bishaan Agaasimaha waaxda Tayadhawrka ee wasaarada, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo kamid ahaa saraakiisha wasaarada mudada kasoo shaqaynayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM