MAP oo ka baxdey kiiska wariye Kilwa Aadan Faarax

Image

GAROWE, Puntland - Ururka warbaahinta dowladda Puntland ee loo-garan og-yahay MAP ayaa Isniinta maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu ka baxay kiiska wariye Kilwa Faarax Aadan.

MAP ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku wargelisay qareenkii ay u qabatay suxufiga in uusan xaadiri karin fadhiyadda ay xeer-beegtadda ka yeelaneyso gal-dacwadeedka wariyaha.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, waxaa maanta baaqdey fadhi lagu wadday in maxkamadda ay ka yeelato kiiska saxafiga isla markaana wariyaha lagu horgeyn lahaa maxkamadda.

"Maxkamadda ciidamadda ikhtisaas [Jursdiction] uma lahan qaadista kiiska suxufiga. Sidaas awadeed, waa in la horgeeyaa maxkamad madani ah ama lagu sii daayaa si shuruud la'aan ah maadaama maxkamadda derejada koowaad ee ciidamada ay hore caddaymo ku filan ugu weyday eedihii loo soo jeediyey weriye Kilwe," ayay MAP tiri.

Dambiga ay maxkamaddu ku weyday saxafi Kilwa Aadan Faarax ayaa ah in uu muuqaal ka duubay kadibna faafiyey sawirka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo la gubayo.

Maxamed Caysane, guddoomiyaha MAP, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in uu ka digayo in saxafiga loo qabto qareen "si juujuub ah si loogu rido xukun sharci-darro ah".

Bishaan Maarso 3-deeda ayay ahayd markii maxkamada ciidamadda Puntland ay saddex bilood xarig ah ku ridday wariye Kilwa Aadan Faarax kaasoo la xiray 28-kii December sanadkii hore 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM