MAP oo ka jawaabtay hadal kasoo yeeray wasiirka warfaafinta

Image

GAROWE, Puntland – Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa waxa uu ka fal-celiyay hadal Axadii, 22-ka September 2019, kasoo yeeray Wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland.

Cali Xasan Axmed Sabarey, wasiirka wasaaradaas ayaa xusay in ay diiwaan-gelin u sameyneyso wariyeyaasha, isaga oo u cok-saday "fowdo iyo jahwareer" uu sheegay in uu haatan jiro.

Mohamed Dahir Caynsane, gudoomiyaha MAP ayaa meesha ka saarey arrintaasi, waxa uu sheegay in wasaaradda kaligeed aysan qaban karin shaqadaas, sida uu dhigayo xeerka saxaafada.

Xeerka ayaa xeerinaya in Guddiga Sarre ee Warbaahinta Puntland oo ka kooban todoba xubnood ay kaliya diiwaan-gelin kara qofka u qalma in ay wariye noqdan iyo ruuxa aan u qalmin.

Dhinaca kale, Mr Sabarey ayaa carabka ku adkeeyay in xarumaha warbaahinta ee uu ka dhacay ruqsadihii is-diiwaan-gelinta loo baahan yahay, isaga oo tibaaxay in xaruntii aan talabaadaas qaadin la xiri doono.

Isaga oo ka fal-celinaya arrinkan, Caynsane ayaa sharci darro ku tilmaamay, wuxuuna sheegaya in xeerka saxaafada Puntland uu dhigayo in xaruntii aan ruqsada cusbooneysiisan ganaax lacaga qaado.

Qodobka 10aad, farqadda saddexaad ee xeerka saxaafadda Puntland ayaa dhigaya in xaruntii ruqsada cusbooneysiisan wayday waqtiga loo qabtay la ganaaxo, iyadda oo loo eegayo shaqadeeda.

Ugu dambeyntii, gudoomiye Caynsane ayaa wuxuu ku tartarsiiyey xarumaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha degaanada Puntland in ay cusboonesiiyaan ruqsadda oo sanadle ah.

MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM