Maraakiib Jariif oo lagu arkay degmada Bandar Bayle gobolka Karkaar

Image

04 November, 2015(GO)-Gudoomiyaha degmada Bandar-bayla gobolka Kar-kaar Saciid Aadan Cali Anteena ayaa ka hadlay labo markab oo lagu arkay deegaano hoostaga degmadaasi.

Saciid Antena oo caawa waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay inay maraakiibtan ujeedkoodu yahay gurashada khayraadka Badda Puntland, waxuuna tilmaamay inaysan ilaa hadda aqoonsan waddamada lagu leeyahay.

Gudoomiyaha ayaa eed u soo jeediyay ciidamada Badda Puntland, wuxuuna ku dhaliilay inaysan ka hawl galin degmada, isla markaana ka hoos qaadi waayeen codsiyo kala duwan oo u diray si looga hortago falalka maraakiibta Jariifka ka wada xeebta degmadaasi.

Waxaa uu sheegay inay iskood isu abaabuli doonaan, isla markaana la dagaallamayaan Jariiflayaasha, maadama xukuumaddu ka gaabisay arrintan wax ka qabashadeeda.

Maaha markii ugu horraysay oo ay soo yeerto qaylo dhaan ka dhan ah marakiibta shisheeye.

Dhanka kel degmada Caluula ee gobolka Gardafuu, waxaa ku soo caariday doon laga leeyahay Iran taasi oo gudoomiyaha degaamada Shire Cabdi Ismacil, uu sheegay inay ka kalluumaysan jirtay xeebaha Puntland iyadoo ruqsad ka haysta maamulka degmada Caluula.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM